Seniors Online logo

Victorian Seniors Card program information video - Somali

Kani waa Seniors Card , wuxuuna leeyahay faa'iidooyin iyo qiimo dhimis badan.

Ujeedada Seniors Card  waa in lagu dhiirigaliyo dadka da'da ah in ay sii wadaan firfircoonida oo ay bulshada ka mid ahaadaan, taas oo raqiis uga dhigaysa waayeelka inay dibbada u baxaan.

Si aad xaq ugu yeelato Seniors Card  ee Victoria waa inaad jirtaa 60 sano ama ka weyn, laakiin waad codsan kartaa kaarka ilaa afar toddobaad ka hor intaadan gaadhin 60.

Waa inaad tahay degane rasmi ah oo Australia degan kagana sii nool Victoria

Waxaa jira laba kaarar oo kala duwan

Haddii aad shaqeyso in ka yar 35 saacadood todobaadkii waxaad codsan kartaa Seniors Card.

Haddii aad shaqeyso 35 saacadood todobaadkii ama ka badan waxaad codsan kartaa Seniors Business Discount card.

Booqo website ka Seniors Online

Si aad online uga codsato waxaad u baahan doontaa inaad haysato  Medicare-ka.

Waxay qaadanaysaa shan daqiiqo oo Seniors Card  waa bilaash.

Foomamka codsiga waxaa sidoo kale laga heli karaa maktabadda xaafaddaada, waxayna kaa caawin karaan foomka internetka.

Dadka haysta Seniors Card  iyo Seniors Business Discount Card  waxay ka faa'iidaysan karaan qiimo dhimista alaabta iyo adeegyada kumanaanka Seniors Card business .

Dadka haysta  Seniors Card-   Seniors  myki Card oo lacag la'aan ah ayaad helaysaa   markaad ku biirto barnaamijka iyo waliba qiimo dhimis gaadiidka dadweynaha ah

Faa'iidooyinka waxaa ka mid ah:

Qiimo dhimis kumanaan ganacsi oo ay ku jiraan maqaayadaha

Qiimo dhimis meelo badan oo soo jiidasho leh sida Beerta Xayawaanka ee Melbourne.

Dhimista gelitaanka madxafka.

Qiimo dhimista tigidhada filimada.

Raadi calaamadda 'Seniors Card Welcome Here’ ' ama weydii qiimo dhimista Seniors Card  marka aad dibadda ku sugan tahay.

Ka codso onlayn si ay maanta kuugu bilaabato helitaanka faa'iidooyinka Seniors Card.

Reviewed 14 December 2022